Xog: Xasan oo amarro adag dul dhigay wasiirka amniga qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa amar adag kusoo rogay Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Federaalka Somalia C/risaaq Cumar Maxamed.

Madaxweynaha dalka ayaa Wasiirka ku wargaliyay inaanu dalka uga bixikarin Safaro aan micno laheyn, waxa uuna kaga digay inuu indhaha ka qabsado amni darooyinka ka taagan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka faray inuu u jajabnaado howshiisa, haddii taa laga waayana uu xilkiisa ku weyn doono.

Xassan Sheekh ayaa C/risaaq Cumar u cadeeyay inuusan aqbali doonin in xilkiisa uu ka gaabiyo, wuxuuna ku amray in magaalada Muqdisho oo nadiifiyo ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada.

Waxa uu ku amray in magaalada Muqdisho uu ka fuliyo howlgalo lagu dardar galinaayo amniga, isagoo kaga digay inuu ka mashquulo howshiisa kuna mashquulo safaro iyo shaqo ka gaabin.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ayaa aad uga walaacsan in dalka uu ka dhaco amni darro looga soo horjeedo dib u dhaca ku imaankaro doorashada.

Canaanta Xassan Sheekh waxa ay muujineysaa in dalka uu galaayo xaalad adag oo suuragalinkarta fowdo iyo qalalaaso amni darro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com