Qaraxyo Caawa ka dhacay Biibito ku taalla magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa caawa Qaraxyo laga maqlay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir kuwaasI oo la sheegay inay khasaaro kala duwan kasoo gaaren ciidamo ka tirsanaa dowlada iyo dad rayid ah.

Qaraxyada oo ahaa laba Qarax ayaa waxaa lagu aasay goob biibito ah oo ay ku shaahayeen ciidamo ka tirsanaa kuwa degmada iyo dad kale oo halkaasi ku fiidsanaayay.

Biibitada ay Qaraxyada ka dhaceen ayaa ku taalla agagaarka Haanta dheer ee degmada Dayniile, waxa ayna dadka deegaanka sheegen in Qaraxyada ay sakino kala danbeeyen.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa goobta qariyay uuro, waxaana xigay dhimashada iyo dhaawaca dad isugu jiray ciidamo iyo dad shacab ah.

Qraxyada kadib ayaa waxaa biibitada isku gadaamay ciidamo gurmad ah oo ka tirsanaa degmada waxa ayna halkaasi gurmad ugu fidiyeen dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada.

Dadka Qaraxyada ku geeriyooday ayaa lagu qiyaasayaa inay gaarayaan ilaa afar ruux oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsanaa dowlada.

Dhaawaca ayaa kor u dhaafaya ilaa shan waxaana la sheegayaa in dadka Qaraxyada ku dhaawacmay ay u badan yihiin dad shacab ah.

Warar kaasi kaduwan ayaa sheegaya in mid kamid ah Qaraxyadaasi uu ahaa Gaari lagu soo xiray miino oo goobta la dhigay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Degmada, waxaana iminka socda baaritaano lagu xaqiijinaayo Qaraxyadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com