Xog: Saraakiil xilal culus u hayay Turkiga oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino kooban oo ay qoreen warbaahinta dalka Imaaraadka carabta ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Imaaraadka ay dhigeeda Turkiga u gacangalisay labo Sarkaal oo baxsad ahaa.

Labadaani Sarkaal ayaa la sheegay inuu soo galay tuhun ah inay qeyb ka ahaayen Afganbigii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga.

Saraakiishaani ayaa la sheegay in fashilka Afganbiga kadib ay ka tageen dalka Afghanistan, waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Dubai.

Saraakiishaani ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Major General Mehmet Cahit Bakir oo ahaa Taliyihii ciidamada Turkiga ee dalka Afghanistan iyo taliyihii tababarada iyo la talinta xarunta taliska ee Kabul Brigadier General Sener Topuc.

Saraakiishaan oo iminka ay ku socdaan baaritaano ayaa la sheegayaa in aad looga shakisan yahay inay wax ka maleegeen qorshaha Afgambigii dhicisoobay.

Gacan ku dhigista Saraakiishaani ayaa waxaa ka qeybqaatay wardoonka dalka Turkiga oo markii horaba sheeda kala socday dhaqdhaqaaqa Saraakiishaasi.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo kala baxay labada dal oo faahfaahin kara baaritaanka Saraakiishaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com