Xulka K/cagta Puntland oo afka carada u dartay Xulka Juballand

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia goordhow kusoo dhamaaday cayaarihii u dhexeeyay maamulada dalka.

Ciyaarta oo maalmahaani ka soctay Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta u daawasho tagay mas’uuliyiin ay kamid ahaayen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Cayaarta oo ay isugu soo hareen Kooxaha Jubbaland iyo Puntland, ayaa waxa ay guusha raacday Kooxda Puntland kadib markii rigoorayaal 5-3 uga badiyeen xulka Jubbaland ciyaartii Finalka oo aheyd mid xiiso leh.

Ciyaarta oo ku bilaabatay xamaasad ayaa waxaa goolka ku hormartay daqiiqadihii hore Xulka K/cagta ee Jubbaland.

Isku soo laabashada ilaa iyo Ciyaarta ay kasoo idlaato ayaa waxaa ciyaarta si xamaasadeysan u horseedaayay Kooxda Puntland oo markii danbe ay guusha raacday.

Guusha ayaa waxa ay sidaa ku raacday Xulka Puntland, waxaana guushaasi farxad ka muujiyay dadweynihii garoonka isugu tagay oo hadba taageero u ahaa Kooxda reyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com