Daawo sawirada Khasaaraha QM kasoo gaaray weerarka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Saameynta ugu badan ee ka dhalatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan iridka hore ee qeybta ay Ajaanibta ka degaan Garoonka, ayaa waxaa uu burbur xoogan kasoo gaaray dhismooyin ay laheyd QM oo ku yiilay goobta uu weerarka ka dhacay.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku burburay gaadiid ay laheyd QM kuwaasi oo inta badan ay isticmaalayeen ilaaladii ku dhimatay weerarka.

ilaa Seddex dhismo oo ay laheyd QM oo halkaasi ku yiilay ayaa ku burburay weerarka, waxaana sidoo kale gidaarka dhismahaasi ay ku dul dumeen tirro ciidamo ka tirsan AMISOM oo qeybta gudaha ka hayay ilaalo.

Khasaaraha ugu badan ee weerarkaasi ayaa waxa uu soo gaaray QM, markii laga soo tago ciidamada AMISOM ee xiliga ismiidaaminta halkaasi ka ag dhawaa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Qarax 1

Qarax2

Qarax3

Qarax4

Qarax5

Qarax6

Qarax7

Qarax8

Qarax9

Qarax10

Qarax11