Xog: Turkiga iyo Somaliland oo madaxa isugu jira + Sababta

Muqdisho (Caasimada Onlne) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in dowlada Turkiga ay cadaadis diblumaasiyadeed ku bilowday maamulka Somaliland si deegaanada maamulka looga eryo Hay’adda Nile Academy.

Xiriiro hordhac ah oo dhexmaray dowlada Turkiga iyo madaxda maamulka Somaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in leysku mari waayay kadib markii Turkiga uu Somaliland usoo jeediyay in deegaanada maamulka laga eryo Nile Academy.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inaanu xirmi doonin xarumaha Hay’adda Nile Academy, balse ay iyada kusii wadi doonto shaqadii horay ay u qaban jirtay Nile Academy.

Maamulka Somaliland, ayaa la sheegay inuu ka biyo diidan yahay in deegaanada maamulka laga eryo Hay’adda Nile Academy, waxa ayna Somaliland ku doodeysaa inaanu jirin khalad gaar ah oo ay ka gashay Hay’adda Nile Academy.

Madaxda maamulka waxa ay sidoo kale, sheegen in Hay’adda Nile Academy aysan ka weecan sharciga maamulka ee dhigaaya habdhaqanka Hay’adaha Ajaanibta ah, sidaa aawgeedna aysan u furneyn inay qaab khaldan ula dhaqmaan Hay’adda Nile Academy.

Somaliland waxa ay cadeysay in Hay’adda Nile Academy ay burin karto keliya goorta ay ku tagrifasho sharciga amaba ay qaadacdo go’aanada loo soo jeediyo.

Waxaa weli socda wada hadalka u dhexeeya dowlada Turkiga iyo maamulka Somaliland, waxaana la filayaa in Somaliland ay go’aan cad ka gaarto arrintaani xiisada dhalisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com