Xog: Xiriirka Xasan & Imaaraadka oo xumaaday hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in kala fogaansho yar ay soo kala dhexgashay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo dowlada Imaaraadka Carabta kadib markii hakat uu ku imaaday axdigii imaadaardka kala dhexeeyay Xassan Sheekh.

Hakatka iyo kala fogaanshiyaha ka dhextaagan Xassan iyo Imaaraadka ayaa yimid kadib markii dowladaasi ay taageero lixaad leh u muujisay Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah musharaxiinta u taagan doorashada.

Dowlada Imaaraadka oo horay ballamo ugu sameysay Xassan Sheekh, ayaa waxaa iminka ay gaabis galisay xiriirka iyo axdiga, iyada oo Siyaasadeeda u weecisay dhanka Sheekh Shariif oo xiligaani ka tayo badan Hogaanka iminka haya dalka.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Xassan Sheekh uu Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia ku eedeeyay inuu yahay shaqsi kala geynaaya Soomaalida islamarkaana uu ku kacay qiyaano, waxa uuna haddalkaasi yiri xili ay ku kulmeen Aqalka dalka looga arrimiyo.

Xassan Sheekh ayaa ku xisaabtamaayay dowlada Imaaraadka waxaana jira macluumaad sheegaya in Madaxweynaha uusan heli doonin dhamman dhaqaalihii ay u ballanqaaday Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa qeyb ka ah dowladaha xiligaani faraha kula jira siyaasada Somalia, waxa ayna taageero iska soo horjeeda u kala fidineysaa musharaxiinta kala ah Xassan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Docda kale, Xassan Sheekh ayaa aad uga walaacsan saameynta ay ku yeelan doonto hoos u dhaca ku imaaday kaalintii uu ka filaayay dowlada Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com