Fiqi iyo Dabageed oo arrin cajiib ah ay Beledweyne ku dhexmartay

Beledweyne (Caasimada Online) – Dhacdo cajiib ah ayaa kala qabsatay xogahayaha xisbiga Daljir Axmed Macalin Fiqi iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, sida uu bartiisa Facebook kusoo qoray Axmed Fiqi.

Hoos ka aqriso Dhacdada.

Annagoo ku guda-jirna munaasabaddii caleemo saarka Ugaas Xasan ee ka dhaceysey magaalada Beledweyne si wacanna u dhageysaneyna khudbadihii duubabka ka soo qeybgalay munaasabaddaas, ayay akhyaartii safka midig ee ugaaska fadhiday waxaa soo abbaaray nin madow oo haraad ka muuqdo kaasoo ku dhawaaqaya Fiqi aawey?

Martidii oo yaabban ayaa soo tilmaamey, waxeyna indhihii dadkii nawaaxigaas ka ag-dhowaa la socdeen ninka iyo dhaqaaqiisa, wuxuu yimid safkii aan fadhiyey oo ahaa kan saddexaad asagoo si indho la’aan ah u soo dardaray akhyaartii horteyda fadhiday oo isugu jirey xildhibaanno qaran, musharixiin madaxweyne & marti sharaf kale!

Gacanta ayuu ii soo taagay waan salaamay, Fiqi ma adigaa ayuu daba dhigay? haa ayaan iri, adna ayaan ugu jawaabay? waa guddoomiyaha gobolka Dabageed! soo dhowow ayaan iri guddoomiye! Wuxuu yiri: ” Illaa iyo xalay magaalada Beledweyne magacaada & xisbiga Daljir ayaa la waday”is-daji guddoomiye! maxaa qaldan ayaan ku iri? wuxuu yiri meeshaan xisbi ugama baahnin! waxaan ugu jawaabay, guddoomiye waa lagu soo qalday, warbixin qaldanna waa lagu soo siiyey, ismana naqaan oo waa adigii i weydiinayay dadka, waxaa ila quman marti badan baa kuu joogtee inaad hawlahooda iska xilsaartid, cidda ku soo dirteyna waa qiyaasi karaa, waajibkiina waad gudatay ayaan u sii raacshey!! intaas markaan isweydaarsannay ayaa akhyaartii meesha fadhiday ku qayliyeen illaa meeshii laga dejiyey asagoo sii guraabaasaya.

wasiirka amniga, Xildhibaanadii Qaran ee reer Hiiraan, odoyaashii iyo akhyaartii kale ayaa raalli galin iga siiyey dhacdadaas.. waana uga mahadceliyey si weyn..

Gobolka Hiiraan wuxuu caan ku ahaa soo saarista madaxdii qaranka Soomaaliya, waana hubaa iney weli buuxaan kuwa la mid ah, laakin marnaba looma qabanayo habdhaqankii guddoomiyaha gobolkaas ee shalay

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com