Doorashada 3 Kursi ka tirsan baarlamaanka Somalia oo dhaceysa (Halkee ayaa lagu qaban doonaa?)  

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday inay qaban doonaan doorashada dhammaan Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘’Xaliimo Yareey’’ oo u warameysay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay inay dhameynayaan doorashooyinka harsan.

Xaliimo Yareey, ayaa sheegtay inay u harsan tahay doorashada 3 Kursi oo ay ka taagan tahay cabaso, kuwaa oo ay sheegtay in mar kale lagu kala bixi doono.

Waxa ay sheegtay in doorashada 3-da Kursi ay ka kala dhici doonaan Magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho waxa ayna carab dhawday in si dhaqsi ah ay ku qaban doonaan.

‘’Wakhti badan masiin doono doorashooyinka harsan waxaanu si dhaqsi ah ku qaban doonaa doorashada Seddexda kursi ee noo harsan’’

Sidoo kale, beelaha leh kuraasta lagu tartami doono ayey sheegtay inay sii wargalinayaan wakhti hore, si loogu sii diyaar garoowe ka hor inta aan la gaarin.

Haddalka Xaliimo Yareey, ayaa kusoo beegmaaya xili maalinimadii shalay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ay Magaalada Jowhar ku qabteen doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com