Xog cusub: Yaa ka danbeeyay in Sanbaloolshe uusan dib u helin xubinimada BF? (Halista Sanbaloolshe ee DF)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Doorashada dhacday ayaa laheyd xiisa gaara waxaana ku tartamaayay Musharaxiinta kala ah Nuur Iidow Beyle, C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Cali C/laahi Cosoble, Daahir Cabdulle Cawaale, Xuseen Axmed Geelle iyo Dahabo Xasan Axmed, waxaana wax dooraneysay 51 ergo.

Doorashada oo laba wareeg ahayd, ayaa waxay wareegii hore ku soo idlaatay sidataan:- C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 cod, Nuur Iidow Beyle oo helay 23 cod, 3 cod oo xumaaday iyo 1 cod oo uu helay Cali C/laahi Cosoble.

Wareegii labaad, ayaa waxaa u gudbay labadii xubnood ee codadka ugu badan helay, kuwaa oo kala ah Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle, waxayna natiijada ku soo idlaatay Nuur Iidow Beyle oo 27 cod helay iyo Sanbaloolshe oo 24 cod helay.

HALKEE LAGA SOO ABAABULAY QORSHAHA SANBALOOLSHE LOOGA ILAALIYAY XUBINIMADA?

Xukuumada Somalia, ayaa kaalin mug leh ka qaadatay sida Taliyihii hore ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uusan ugu soo laaban laheyn xubinimadiisa baarlamaanka ee uu horay u hayay.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre oo garabsanaaya Xubno Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda HirShabelle ayaa juhdi ku bixiyay in Sanbaloolshe uusan kusoo laaban saaxada Siyaasada Somalia mudada ay jirto dowlada halka sano dhameysatay.

Kheyre ayaa la sheegay in dhaqaale xoogan uu ku bixiyay guuldarada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyadoo ujeedka lagu sheegay in muddo dhowr jeer uu ka hiiliyay dowlada hadda jirta.

SABABTA LOOGA ILAALIYAY XILKA

C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa wixii ka danbeeyay xil ka qaadistiisa Hay’adda NISA ku biiray garabka Mucaaradka dowlada waxaana la sheegay inuu kaalin weyn ka qaadanaayay sida caqabado dhanka Siyaasada ah loogu sameyn lahaa dowlada uu Hogaamiyo Madxaweyne Farmaajo.

C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa la sheegay inuu sababsaday isgarabtaagiisa Mucaaradka, waxaana xusid mudan in xiligii uu dhacaayay weerarka lagu qaaday Hooyga C/raxmaan Cabdi shakuur uu halkaa ku sugnaa, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan dowlada.

C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxa uu tan iyo markii laga qaaday xilka ahaa mid aad uga soo horjeeday Siyaasada dowlada Somalia, kadib markii uu waayay xilka NISA iyo Xildhibaanimadiisii hore.

DAREENKA LAGA QABAY SOO LAABASHADA SANBALOOLSHE

Dowlada Somalia, gaar ahaan xukuumada uu Hogaamiyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dareen lixaad leh ka qabtay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Xukuumadu waxa ay aad uga cabsi qabtay soo laabashada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe inay soo dadajiso caqabado Siyaasadeed, waxaana muuqday in Sanbaloolshe uu abuuri lahaa Mooshino ka dhan ah Xukuumada hadda jirta.

Ujeedka soo laabashada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa la sheegay inuu ahaa ka aargoosiga Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagu uga baxay ballanqaadkii ahaa inuu iska casilo xubinimada baarlamaanka si uu muddo dheer usii hayo xilka NISA.

Ballanqaadka ayaa la sheegay inuu ahaa inaan laga qaadi doonin xilka NISA, waxa uuna qorshaha fog ahaa in laga qaado xubinimada baarlamaanka.

Villa Somalia ayaa rumeysan in C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, uu ka halis badan yahay Siyaasiyiinta kale, sidaa aawgeed waxaa guuldarada Sanbaloolshe ee doorashada Jowhar loo arkay inay tahay mid ay kusii wakhti dheereysan karto dowlada hadda jirto.

GO’AAN QAADASHADA SANBALOOLSHE

C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxa uu ku ad adag yahay dhanka go’anka waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi jecel in mar waliba uu ka aargoosto dhinacyada ku laqdabeeya Siyaasada.

Waxa uu Sanbaloolshe kaga duwan yahay Siyaasiyiinta kale adeegsiga shaqsiyaad isaga ku garab ah, waxaana xusid mudan in talaabo waliba uu qaadayo ay tahay mid uu isaga hormariyo dhinacyo kale.

GABAGABO

C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa xiligaan aad uga soo horjeeda dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo aad uga shaqeysay inaanu mar kale kusoo bixin doorashada ka dhacday magaalada Jowhar.

Sanbaloolshe waxa uu sidoo kale dajiyay haddii uu soo laabto inuu ka shaqeeyo sida loo kala diri lahaa Xukuumada hadda jirta, hase ahaatee waxaa lala dheelay qorsho u muuqday mid ka halis badan kan uu damacsanaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com