Somaliland oo amar aan laga fileyn dul dhigtay shirkadda DP World ee maamusha dekadda Berbera

Hargeysa (Caasimada Online)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aano iyo amaro dul dhigtay shirkadda Imaaraadka Carabta DP ee maamusha dekadda Berbera.

Amarkaan oo faraya shirkadda DP World in sanduuq xisaabeed ka furato bankiga dhexe ee Somaliland, loogana baahan yahay in ay dhigato lacagta kasoo baxda dekadda Berbera ee aysan dalka ka saarin dhaqaalaha.

Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii loo caal waayay sicir barbar baahsan ee ka jira guud ahaan Somaliland, isla markaana loo aaneynaayo shirkaddo kala duwan inay ku lug leeyihiin dhibaatada sicir barar.

Sidoo kale shirkada DP World ayaa lagu amray inay ka soo wareegto sanduuq xisaabeedyada uga furan bankiyada gaarka loo leeyahay isla markaana lacagta uga soo xaroota dekeda ay si rasmi ah ugu shubto baanka dhexe ee Somaliland.

Wakiilada shirkada Dp World u qaabilsan dekeda magaalada Berbera ayaa ilaa hada ka hadal sida ay u arkaan amarka ay xukuumadda Somaliland dul dhigtay.

Dhinaca kale, wasaarada maaliyada Somaliland ayaa la faray inay bankiga dhexe ku wareejiso lacagta doolarka ah ee u taala sanduuq xisaabeedka uga furan bankiyada kale.

Mudooyinkii u danbeeyay dadka shacabka iyo xisbiyada mucaaradka ayaa waxay ku eedeynayeen xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi inay iyadu mas’uul ka tahay sicir bararka iyo inay maareyn weysay oo xal u heli weysay in sicirka suuqa noqdo mid degan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com