Intiinii la socotay Maalintii Sabtida aheyd waxaan idiin soo gudbinay qeybta koowaad warbixin xasaasi ah aheyd oo ku saabsaneyd sheekada xiisaha leh ee dhexmartay Siyaad Barre iyo Madaxweyihii Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny!.
Qeybta labaad ee warbixintaas ayaa waxaa ku ballansaneyn inaan idiin soo gudbino Maalintii shalay ee Axadda aheyd balse cilad farsamo awgeed ayey u baaqatay.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso qeybta labaad ee sheekadaas:
Safiirkii u fadhiyey meesha ayaa u yimi Qaybe oo ahaa danjirihii Soomaaliya waxa uuna u sheegay in ay markan codkooda siin doonaan balse shuruud? Waxa uu Xabshigu ka codsaday Danjire Qeybe in magaca laga dhigo French Somali Coast (Djibouti)! Waa Djibouti halaga dambeeysiiyo magacii hore!
Taas dhib uma arag Danjire Qeybe maadama Jibuuti tahay magaca Caasimadda wuuna ka aqbalay! Qeybe waxa uu rabay in uu isku dhufto Faransiiska iyo Xabashida!
Intii aan codeynta la bilaabin, Qeybe iyo Danjirihii Xabashida waxa ay u wada tageen masuulkii codeynta qaadyey waxa ayna u wada shegeen wixii ay ku soo heshiiyeen.
Markii la soo wada xaadiray oo codeynta la qaadi rabo ayuu yiri masuulkii“Waxaan idiin hayaa war wanaagsan, Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen in magacu noqdo French Soomaali Cost [Djibouti], mar qura ayaa sacab lagu wada dhuftay oo saacad ku dhawaad socday! Waayo la yaab ayey noqotay Soomaaliya iyo Xabashida oo go’aan ku wada socda!
Go’aankii Qaramada Midoobe kaddib, Faransiiska oo macangag ahaa, wuu ku sii adkeystay magacii uu bedelay!
Hase ahaatee, 1974, waxa ay Midowgii Afrika (OAU) ku shireen Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya, waxaa gudoomiye loo doortay Maxamed Siyaad Barre maadama dalka lagu martigaliyo shirka la siiyo madaxtinimada.
Hoggaanka ay Soomaaliya heshay waxa ay uga faa’ideysatay in ay uga mira dhalsiso himiladeedii ahayd xorreynta Jibuuti.
Maxamed Siyaad Barre (AUN) waxa uu socdaal ku kala bixiyey badi dalalkii Afrika si ay u taageeraan qadiyaddaas balse waxaa ugu saameyn batay Madaxweynihii Ivory Coast Houphouët-Boigny.
Maxamed Siyaad Barre markii uu kala hadlay qadiyadda Jibuuti Houphouët-Boigny, waxa uu ka helay jawaab aad cajiib u ahayd! Muxuu ku yiri?
“Ninyohow waxaa laga baqayaa in haddii Jibuuti la xorreeyo aad idinku qaadataan ee ii ballan qaad in ay sideeda ahaneyso anaa WIILKAN YAR AMAR SIINAYEE [Wiilka yare e uu sheegayo waa Madaxweynihii Faransiiska]!”.
Muxuu Houphouët-Boigny u yiri anaa amar siinaya Madaxweyanaha Faransiiska oo uu ku Tilmaamay CUNUG YAR!?
Markii dalalka la guumeysaneyey la siinayey xorriyadooda, Ingiriiska waxa u bilaabay in uu si toos ah u fasaxo kuwii uu isagu haystay balse Faransiiska siyaasad kale ayuu adeegsaday isaga oo ku wargaliyey dalalkii uu haystay in ay Faransiis yihiin oo ay Baarlamaanka xubno u soo dirsadaaan, tusaale, Jibuuti waxa ay u dirsatay laba xubnood, halalka dalakii waa weynaa sida Ivory Coast iyo Senegal ay min 10 xubnood heleen. Houphouët-Boigny waxa uu markaa ka noqday Wasiir saameyn weyn ku leh Faransiiska. Sidoo kale Ivory Coast waxa ay ka mid ahayd dalalka uu Faransiisku danaha ugu badan ka lahaa kuwa uu gumeysanayey, taas ayaa dhaxal siisay Houphouët-Boigny in uu awooddaas yeesho!
Maxamed Siyaad waxa uu Houphouët-Boigny xusuusiyey warbixin (Statement) uu hadda kahor siidaayey Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AUN) oo ku saabsaneyd in Soomaaliya dan ka lahayn Jibuuti , isaguna go’aankaas qabo.
Houphouët-Boigny, markiiba waxa uu wacay Madaxweynihii Farasiiska isaga oo u sheegay in uu Maxamed Siyaad la joogo, una xaqiijiyey in Jibuuti Soomaaliya ka mid noqon doonin waxa uuna ku yiri “Naga dammee dhibteeda!” oo uu ula jeeday Jibuuti!
Madaxweynihii Faransiiska ma jecleysan hadalkaas balse sidoo kale waxba kama diidi Karin Houphouët-Boigny waxa uuna shiriyey golihiisii Wasiiradda, halkaas oo lagu dhammeeyey sheekaddii xorreynta Jibuuti!
Faransiiska waxa uu doonayey in ay Jubuuti u dhibaan dadkii taabacsanaa iyaga sida Cali Caarif oo Djibouti ka ahaa Raisul Wasaare xilligaas, balse waxaa ku diiday Wasiirkiisii guumeysiga oo sheegay in taasi reer Jibuuti iyo Soomaaliyaba aqbali doonin maadama la ogyahay in kuwaas ay iyaga u shaqeeyaan waxna ka bedeli doonin dhibtii Faransiiska lagu hayey! Sida carruurtii laga afduubi jiray iyo Safiirkoodii lagu qafaashay Muqdisho!
Ugu dambeyn waxa ay go’aansadeen in Soomaaliya laga codsado in ay ku xiraan Xassan Guleed Abtidoon iyo Ayuub kuwaas oo markii dambe lagu wareejiyey taladdii Jibuuti!
Waxaa xogtan iiga sheekeeyey Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ah barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya.
W/Q: Maxamed Kaafi
Email: Muhamedkaafi@Gmail.com
Haddii ay qeybtii hore ku dhaaftay halkaan hoose ka akhriso