24.9 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

Maamulka Galmudug oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Maleeshiyaad dhac ka geystay deegaanada.

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado-(Caasimadda Online)-Ciidamada NISA iyo Booliiska Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay Maleeshiyaad gaadiid ka dhacay deegaanada Maamulka Galmudug.

Taliye ku xigeenka Saldhiga dagmaada Cadaado Cumar Macalin Cali ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen maleeshiyaad dhac ka geystay intaa u dhexaysa Cadaado iyo Cabudwaaq oo ka tirsaan deegaanada Galmudug.

Wuxuu sheegay Taliyaha Saldhiga magaalada Cadaado ayaa sheegay in raga gacanta lagu soo dhigay ayaa  u gudbiyen saldhiga  dagmaada  cadaado laalana  xisabtami doona  falaalka amaan daro oo ay ka wadeen deegaanada Maamulka Galmudug.

Sido kale,Taliyaha wuxuu  sheegay in lagu daba jiro mid kamid ah raggaasi  geystay dhaca kana baxsaday  goobta  laamaaha,ciidamada amniga ay baadi goobayaan sidii gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Maamulka Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii loo xasilin lahaa deeganada maamulkaasi loogana hortagi lahaa dadka falalka amaandari wada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News