Xiisad Dagaal Oo wali jirta iyo dagaalo Goos Goos ah oo kadhacaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Tukaraq-(Caasimadda Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada maamuladda  Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Xiisaddan ayaa dib uga bilaabatay kadib markii Shalay ay Ciidamada maamulka Puntland ay weerareen fariisin ciidamada maamulka Soomaaliland ku leeyihiin deegaanka tukaraq ee gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada labada maamul ay ku hubeysayihin boqolaal gadiidka dagaalka ah walina isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana jirta cabsi laga qabo in uu markale dagaal ka qarxo deegaankaas.

wararku waxa ay intaa kudaraan ay ay wali Ciidamada maamulka Soomaaliland ay gacanta ku haya maamulka deegaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada

waxaana jirtay in ay Mas’uuliyiinta labada maamul hawada isku marinayeen erayo u badnaa hajabaado dagaal taasoo u muuqata mid uga dareysa xiisada halkaa ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com