Qaraxyo iyo Rasaas xoogan oo ka dhex dhacaaya Jaamacada lagu tababaro Ciidanka Militariga Afghanistan

Shaariqa (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Magaaalda Kabul ee Xarunta Wadanka Afghanistan, ayaa sheegaya in saaka halkaa looga waabaristay Qaraxyo iyo rasaas xoogan.

Dadka ku nool magaalada ayaa hurdada kaga toosay Qarxyo lagu weeraray Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Marshal Fahim.

Dadku waxa ay sheegayaan in Qaraxyada ka hor ay dhaceen rasaas xoogan, waxaana xigay Qaraxyo dhowr jiho oo ruxay magaalada iyo goobaha ku dhow dhow Jaamacada.

Qaraxyada ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaadiid waaweyn oo ay la socdeen naftood haligayaal garabsanaayay Kooxo hubeysan oo weeraray Jaamacadan oo lagu tababaro Ciidanka Militariga Afghanistan.

Jaamacada ayaa waxaa ka dhex socda iska hor imaad leysu adeegsanaayo Hubka kala duwan kaa oo u dhexeeya Ciidanka Militariga iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Rasaasta ka dhex socta Jaamacada ayaa waxaa barbar socda Qaraxyo ismiidaamin ah oo muddo kooban kadib la maqlaayo, iyadoo uu aad u cakiran yahay Jawiga.

Dowlada iyo Taliska ciidamada Militeriga ayaan sidoo kale weli ka hadal weerarka oo lagu tilmaamaayo inuu yahay mid ka duwan kuwii hore.

Geesta kale, weerarkan waxa uu ku soo aadayaa, maalin ka dib markii weerar ismiidaamin ah oo boqol ruux ku dhimatay uu ka dhacay Magaalada Kabul, kaasoo ay mas’uuliyadiisu sheegatay Taliban.

Caasimada Online

Xafiiska Shaariqa

Caasimada@live.com