Doorashada Galmudug oo ka bilaabatay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow bilowday codeynta doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, taas oo haatan ka socota xarunta Shiirkoole oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Doorashada oo ah mid aad la’isugu hayo, islamarkaana lagu muransan yahay ayaa waxaa ku tartamaha musharraxiiin dhowr ah oo u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Dr Maxamed Nuur Gacal oo furay kulanka xildhibaanada ayaa sheegay inay soo xaadireen illaa 77 mudane, kuwaas oo u codeynaya musharraxiinta ku loolamaya labada xil ee ugu sarreeya maamulkaasi.

Musharraxiinta oo gaaraya illaa 9 ayaa afar ka mid ah waxa ay u taagan yihiin xil ka madaxweynaha, kuwaas oo kala ah:  1-Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), 2- Cabdiraxman Axmed Sabriye 3-Axmed Shire Maxamed (Falagle) iyo 4- Cabdullaahi Axmed Samatar.

Sidoo kale waxaa xil ka madaxweyne ku xigeenka isku soo taagay llaa shan musharrax oo kala ah 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo 5-Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

Qabsoomida doorashadaan oo horay walaac badan looga muujiyey ayaa waxaa jira musharraxiin saameyn leh oo banaanka ka jooga tartanka doorashadaasi, islamarkaana qaadacay, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxamaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo garwadeen ka ah doorashadaan iyo guddiga doorashada baarlamaanka Galmudug ayaa ku adkeystay in maanta la qabto doorashada oo muddo uu ka taagnaa khilaaf sababay inGalmudug ay u qeybsanto illaa sadex dhinac.