Qoor-Qoor oo loo doortay madaxweynaha Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Qoor-Qoor ayaa ku soo baxay wareegii koowaad ee doorashada, isagoo helay 66 cod, halka musharraxii kale ee ku xigay ee Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod.

Sidoo kale waxaa wareegaan ku haray Cabdiraxmaan Axmed Sabriye oo helay 1 cod iyo Axmed Shire Maxamed (Falagle) oo isna helay 1 cod.

Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa shaaciyey inuu xil ka madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Qoor-Qoor, islamarkaana uu hoggaamin doono afarta sano ee soo socota.

Musharraxa guuleystay oo ay wadatay dowladda federaalka ayaa horay loo sii ogaa inuu ku soo bixi doono doorashadaan.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale isla markii guda galay u codeynta musharraxiinta u taagan xil ka madaxweyne ku xigeenka, kuwaas  oo kal ah:-

1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo 5-Cabdiqani Sheekh Cali Diini.

Wixii warar ah oo ka soo kordha doorashada Galmudug kala soco:-Caasimada.net.