Isku aadka ciyaaraha xagaaga Columbus Ohio oo la soo saaray

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohio. Xafladda ayaa loo sameeyay qori isku tuurka isku aadka ciyaaraha xagaaga ee sanadka 2020, taasoo lagu wado in ay ka soo qeyb galaan kooxo dhan 31 kooxood oo ka kala imaanaya gobolada dalka Mareykanka iyo Canada.

Xafladda Qori tuurka oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan madaxda gobolka Ohio aya halkaa ku baraarujiyay kooxaha tartamaya in aay xoojiyaan tayada ciyaar yahanada da’da yar isla markaana loo carbiyo ciyaartooyda kuwa noqdo hoggaamiyeyaasha jaaliyadda.

Waxaa xafladda sidoo kale ka hadlay Dontavious L. Jarrells oo musharax u taagan xildhibaanka degmada 25 kaasoo ay taageereen jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada Columbus Ohio.

Koobka ciyaaraha xagaaga ayaa sanadkan wuxuu noqonayaa sanadkii seddexaad iyadoo koobkii sanadkii hore ay ku guuleysteen kooxda Ohio Elite. Halka koobka ciyaartoyda cuslaatay ay ku guuleysteen kooxdii Boston.

Isku aadka jadwalka ciyaaraha iyo wixii faahfaahin ah waxaad kala xiriiri kartaa bartooda internetka Ohio Spring Cup

Isku aadka kooxaha tartanka kubbadda cagta ee xagaaga 2020. April 8 -to- 11.