Doorashada kursigii uu ku fadhiyey Cabdiweli Muudey iyo kuraas kale oo laqabtay

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-Hop-045, Hop-145, Hop-162 iyo Hop-148, Hop-256, Hop-143 iyo Hop-163 waxaana ku jira kursigii uu horey ugu fadhiyey Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudey oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga Hop-145 ee uu ku fadhiyey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdalla Axmed oo helay codad gaaraya 76-cod, halka musharaxii la tartamayey C/llaahi Ahmed Cabdi uu  =heley 12-cod, waxaa hallaabay 2 cod.

Guusha Cabdalla ayaa aheyd mid la filayey, wuxuuna si dhow ugu xiran yahay Villa Soomaaliya oo iyadu dadaal xoogan gelisay, sidii meesha looga saari lahaa Muudey.

Sidoo kale waxaa kursiga Hop-045 ku guuleystay Maxamuud Axmed Maxamed oo helay codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayey uu heley illaa 8 cod.

Kursiga hop-62 waxaa sidoo kale kusoo baxay Maxamed Cismaan Cumar, isaga oo helay codad gaaraya 74 cod, halka musharaxii la tartamayey uu heley 17 cod.

Waxaa sidoo kale kursiga Hop-148 wku guuleysatay Calwiya Siid Cabdullahi oo heshay 88 cod, halka musharixii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir ay heshay 10 cod.

Suhuur Xaaji Culusow ayaa sidoo kale ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-256  iyadoo heshay 87 cod, halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12 cod.

Cali Shekh Maxamed Nuur ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo heley codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu heley 11 cod.

Kursiga todobaad Hop-163 ee ugu dambeeya waxa kusoo baxay Isaaq Maxamed Maxamuud oo helay 86 cod halka musharaxii la tartamayey uu heley 10 cod.