CC SHAKUUR oo shaaciyey sababtuu ula kulmay Saadaq Joon iyo Cabdullaahi Kulane

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii muranka badan dhaliyey ee uu habeen hore Dhuusomareeb kula yeeshay Saadaq Joon iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Labadaas sarkaal ee uu la kulmay Cabdiraxmaan ayaa ahaa kuwii uu horey ugu eedeeyey inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday xaruntiisa bishii December 2018, oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Kulanka ayaa waxaa aad uga niyad-jabay qaar ka mid ah taageerayaasha Cabdiraxmaan iyo shacab kale, oo uu ku eedeeyey inuu kursi xildhibaan dhaafsaday qadiyaddiisa. Haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakauur ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku faah-faahin kulanka. Hoos ka aqriso.  

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa xalay xilli danbe iskugu kaaya keenay Saadaq Cumar (John) iyo C/llaahi Aadan Kulane oo labadu xildhibaanno uga soo baxay Galmudug. Kulanka oo aan la sii qorshaynin ayuu madaxweyne QoorQoor codsaday in aan ka wada hadalno dhib guud iyo mid gaar ah oo horay innoo dhexyaallay. Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay. 

Horay ayaan dad dhib noo gaystay u cafinay, sababtoo ah siyaaddeena ka aargudasho iyo kala adkaansho ka mid maaha, laakiin marna caddaalada ka tegi mayno.

Qofka wixii dhib loo gaysto waa cafin karaa, goorta uu doono, gaar ahaan marka loogu soo geed fariisto. Tani maaha mid ka hor joogsanaysa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qofkii dhibane kale ah inuu cadaalad helo ama raadsado. 

Siyaasi walba waxaa maxkamad dadwayne u ah sooyaalkiisa dadku wada hayaan, isagayna dan u tahay inuu ka garaabo, gafkiisana cafis uga raadsado qof kasta oo wax ka tabanaysa. Haddii dalku yeesho maxkamado macno leh waxay innoo xallin doonaan waxyaalo badan mustaqbalka waana mid eey tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa.