Doorashada Jubbaland oo ka bilaabatay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u bilaabatay doorashada madaxweynaha Jubbaland, taas oo ka dhaceysa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Goobta ay doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan xildhibaanada cusub ee maamulkaasi, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Musharrax Maxamed Cumar Geedi ayaa goor dhow tanaasulay, waxaana haatan doorashada ku loolami doono kaliya illaa saddex musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda tallada haya, kuwaas oo kala ah:

1: Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow)

3: Canab Maxamed Daahir

Ammaanka ayaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyey, iyadoona ay sugayaan ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Wixii soo kordha kala soco caasimada.net

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com