Doorashada Jubbaland oo maanta dhaceysa

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa saaka ka socota Kismaayo, taas oo lagu wado in maanta lagu qabto magaaladaasi.

Dhaq dhaqaaqa baabuurta ayaa la xadiiday, waxaana ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyey xaafadaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa la sheegay in dhammaan ay hakad galiyeen dhaq dhaqaaqa, iyadoona gudaha magaalada kaliya lagu arkayo gaadiidka ciidamada.

Illaa iyo afar musharrax oo ay ku jirto Haweeney ayaa ku loolami doono doorashadan oo weli lagu muransan yahay.

Dhanka kale musharraxiinta isbedal doonka Jubbaland ay iyana qorsheynaya inay qabsadaan doorasho kale, taas oo haddii dhacdo Kismaayo maanta lagu dooran doono labo madaxweyne.

Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay doorashadan, iyada oo ka digtay in ay ka dhashaan rabshado iyo xiisado hor leh.

Axmed Madoobe oo doonaya in dib loo doorto ayaa loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo doorashadan, maadaama saaxibadiisii hore ay ku guuleysteen guddoonka baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com