Doorashada madaxweynaha iyo dhaqaalaha culus ee ku baxaya

Doorashad Soomaaliya ka dhacaysa oo maalinba maalinta ka danbaysa dib u sii dhacaysaa ayaa sababtay kharashaad badan oo ku baxa musharixiinta, taas oo adag in loo babacdhigo dhaqaalahaas joogtada ah oo socda.

Dhaqaalaha Musharxiinta oo xadidan awgood ayaa ku adkaata in ay dalka ku nagaadan waqti badan, waxeyna safaro dhaqaalo raadis iyo siyaasad isugu jira ugu kicitimaan wadamada caalamka.

Taas bedelkeed waxaa jira murashaxiinta wakhtigaan xilka haya kana faa’iidaysanaya dhaqaalaha Guud ee Dalka soo gala oo la sheegay in ay u isticmaalayaan Olalihiisa Doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Waxaa la sheegay in uu u isticmaalayo olalihiisa doorashada dhaqaale badan sida Musharixiinta kale ee u tartamaya Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynayaasha kale ee Xiligaan ah musharixiin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu Eedaynayaa Xiligaan in loo iibiyey dhul Dan Guud ah si uu u Helo dhaqale uu ku galo Canpainka.

Sida la sheego xildhibaanno aad u badan oo taageersan Madaxweynaha Xilkiisa dhamaaday xasan sheekh ayaa waxay dagan Yihiin Hotelo gaar ah oo aad u qaali ah, taasi oo dhaqaalaha ku baxaya uu yahay mid aad u badan, waxaana ala sheegay in Hotelada lagu seexdo habeenkii 300 Dolar, taasi muujinaysa in dhaqaale badan uu ku baxayo taageerayaasha Madaxweynaha Xilkiisii dhamaaday.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa u maraya wada kasata oo ku noqon lahaa madaxweyne, isagoo dhaqaalihii dalka, hantidii ma guurtada ahayd ee dadka ka dhaxaysa sida dhulkii danta guud oo dhulkii Tarabuunka ku yaalay ugu danbeeyey iibintiisii, canshuurtii laga soo uruurinayey hooyooyinka yaan yada ku gada dariiqyada Muqdisho hadda u adeegsanaya laaluushka iyo musuqa uu donayo inuu ku helo kursi.

Haddaba akhristow kursiga Xasan waxaan oo dhaqaale ah ugu burburinayo maxay tahay ujeedka uu ka leeyahay? Waxaase aan shaki ku jirin in maanta bulshada soomaaliyeed ka dheregsan siyaasada Madaxweyne Xasan sheekh.

Sidoo kale taageerayaasha iyo Xildhibaanada Xasan sheekh ayaa waxaa ku baxaya maalin kasta dhaqaale gaaraya 100- Boqol oo Kun oo Dolar, taasi oo muujinaysa in Usbuucii ay isticmaalaan ku dhawaad Nus -Milyan dolar, tasi oo ah wax lala yaabo dhaqaalaha intaas la eg meesha uu ka Keenay Madaxweynaha.

W/Q: Cabdiraxmaan Samatar Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com