24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Guuleed oo halis ugu jira in xilkiisa uu waayo kadib arrin soo korortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa diyaariyay mooshin cusub oo ka dhan ah madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanada oo maanta ku shiray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay diyaariyeen mooshinka cusub ee ka dhanka ah C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada ayaa gaaraya inka badan 46 mudane, waxayna dhamaantood ka caroodeen maalin ka hor in loo diiday halkii ay ku shir lahaayeen.

C.kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay joojiyay in howlaha maamulkaasi ka socdaan deegaanada maamulka Galmudug, kadib markii uu wareegto soo saaray.

Waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono mooshinkaan cusub oo u muuqda inuu laablakac ku yimid.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News