Doorashada P/land: Xil-kas dadka kama dhammaado!

Yaa Maali Jirayeey?!…Maantay taagantahay!

Puntland, waa Alle mahaddii haddii ay ka bedbaaday shanti sano ee dowlad la’aanta ahayd! SHantii sano ee ganacsatada naxariista daran ay haysatay! SHantii sano ee dulaalayda maamulaysay!…SHantii sano ee shacabkeedu dulmanaa!… Waxaa Alle mahaddii ah in dhulkii iyo dadkii ay jiraan! Yaaaba intaas filaayay?!! Waxaad taqaan guurso waxaad taqaan ha kuu dhashaanee! Waa maanta, waa fursad, waa fursad, Allow doorashadii tan ka horeysay ma la il-duufay!…Yaa! Haddee maantana aan mar kale xil-dibaannada la soo xulay xasuusiyee waa fursad ee ha il-duufina!…Hadaad il-duuftaanna ha innoogu darina inaad dadka iyo dalka ku fiirsataan mid calooshiis u nool ah!…mid aan waxba garanayn oo u haysta in loo soo doortay in isaga loo adeego intuu dadka iyo dalka u adeegi lahaa!

Maantay taagantahay, Xil-DHibaan; waa erey bixin aan ku qeexi lahaa inay tahay qofkii uu xilka dhibayo, qofka ay mas’uuliyadda dhibayso, qofka isagoo u qadi kara qof ka liita si uu u badbaadiyo ama sida Af-Soomaligeenu yahayba waa qof xil-kas ah, marka aad dib u fiiriso dhaqankii xil-dhibaannada hadda baneeyay golaha shacabka Puntland waxaad garowsanaysaa murtidii oranaysay Xil-Kas; rag waa ku yarahay dumarna kuma jiro! Waxaa laga yaabaa ninkii oraahdaas lahaa inuu arkay rag la mid aha axil-dhibaannada Puntland ee hadda xilku ka dhammaaday, raggii iska noolaa oo hantidooda iyo hantidii dadkooda xoogaaga yar ee laaluushka ah laga siinayay, raggii inta beenta loo sheego oo la ihaaneeyo xoogaaga agoontii lahayd laga qadiyaya iyaga lagu sasabayay, xil-dhibaannadii la wada habaaray, ee aad moodaysay inaysan dad iyo dal lahayn ee ay nin keliya masaakiin u ahaayeen! Xil-dhibaannadii gaajada ka cabsanayay ee malaha is lahaa dadku haday wada dhintaan adinka keigiin aad noolaataan!…xil-dhibaannadii waxay cunaan ceeb kastaba u sameeyay!!….

Kulligeen waxaan aammiin leennahay kuwaas iyo kuwo la mid ah inaan dadkeena iyo dalkeena midna Alle xil ugu dhiibin! Murtida inteeda dambe, ama dumar inay xil-kas leeyihiin iyo in kalana waxaa jawaab ugu filan qof kasta oo innaga mid ah hooyaa soo korisay, wax soo bartay, wax uu yahayna ka dhigtay, balse waxaan shaki ku jirin 66kii xil-dhibaan ee baneeyay golaha shacabka Puntland inaysan wax xil-kasnimo muujin ama nin keliya oo iayaga ka mid ah aan marna laga dheehan! SHan sano oo dib-u-dhac ah! Xukuumadda Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, sida u isagaba qiray marki uu xilka kala wareegayay Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed Faroole, waxaa lagu wareejiyay maamul iyo nidaam dowladeed oo dhameys-tiran, inta badan dadka Soomaaliyeed ee in-dheer garadka ahna ay rumaysnaayeen haddii ay sii shaqayso inay guud ahaan siyaasadda Soomaaliya u horseedi lahayd horumar iyo inay Soomaaliya cagaha saarto tubtii dowladnimada.

Indhaha dad-weynaha hortooda:

Xil-DHibaannada cusub waa rajadii ummadda!

Indhaha murashaxa hortooda:

Xil-DHibaannada cusub waa r’asu maalkaygii!  

Kee baa run ah?! La arki doone!

Is-sharaxaadda madax-weyne Gaas maxaad ku macanayn lahayd?!…Ma dano xafiiska uga xiran baa qabaya ka ah mase hawlo uu ummadda u hayay?!… Xil-DHibaannada cusub ee la soo xulay, ammaannadii ay cirka iyo dhulku diideen ee bini-aadanka aqoon yarida dhabarka ugu raitay qaybtii ugu cuslayd baad dusha saarateen, qofka xilkaas oo kale qaadana waa inuu murugoodaa ee ma aha inuu farxaa, waa inuu walaacaa, waa inuu ka fekeraa awoodda ummadu ku ammaanaysatay inuusan iyada ku dulmin! Xil-DHibaannada waxaa hor yaala inay ka fekeraan murashaxiinta xilka madax-weynenimmada Puntland isu soo taagay, kuwo badan oo aan aqoon loo lahayna baa ku jira, waxaana loo bahanyahay inay kuwaas imtixaanaan oo wareysi la yeeshaan, waana in iyaga laga baqaa oo qofka murashaxu ah ka fekeraa maxay igu dhliili karaan ee ma aha in sida marar badan dhacda xilliyada wax la dooranayo lacag loogu soo dhiibo kuray u murashaxu adeer u yahay!….CEEEEEEEBBBBB!

Murashaxiinta la yaqaan; xil-dhibaanku waa inuu dib u aqriyaa waxa u ku yaqaano murashaxa dalka inuu xukumo rabo, weydiinta u horeyso oo lagu qiimayniyana waxay tahay horta Puntland oo dad ahaan iyo dal ahaan is haysata oo mid ah shanta sano ee la doortay ka dib ma loogu imaan karaa?!… weydiintaan waxaan ka soo qaatay wallaac faro badan oo arrintaas laga qabay intii uu xilka hayay madax-weyne Gaas, waana midkaas oo kale walaaca ugu weyn ee hadda laga qabao xukuumadda ay Farmaajo iyo KHeyre madaxda ka yihiin! Haddii uu yahay  nin taas lagu aamini karo, waxaa ku xiga in la hubiyo dadka iyo dalka(Qaranka), wax danbi ah  ma ka galay? SHisheeye ma u shaqeeyaa? Dano ma wadaagaan isaga ama qoyskiisa dal shisheeye ah? Ma khayaanay qaranka Soomaaliyeed ama maamulka Puntland? Ma u basaasay dal shisheeye ah?Been ma u sheegay qaranka Soomaaliyeed ama maamulka Puntland? Intii u soo shaqayniyay cahdiga iyo qawaaniinta ummadda ku heshiisay ma ku shaqayniyay oo ma ilaalinayay?  Dadka ma la tashan jiray mise…?!

Arrimahaas oo dhan waa kuwa ugu muhiimsan ee qofka wax dooranayo in wax ka ogyahay ay muhiim tahay. Dad-weynaha Puntland quus bay ahaayeen, madax-weyne ku-xigeen,  gole-shacbi, iyo waziiro uu madax-weynuhu imtixaanayo sida arday uu macallin u yahay!…Sax (maba jirin wax sax ahee) iyo khaladba isaga iska daba socda!….qiyaas, maxaa keenay baad u malaynaysaa?! Wax kale ma aha dowlad dhan oo waxay ahayd sharci daro ku heshiisay, Gablan Siyaasadeed baa ku habsaday Puntland shantaas sano! Mana qaadi karayso hal daqiiqo oo kale in loogu daro! Durba ololaha doorashada ee bilowday waxaa ka soo baxaya cabashooyin la xiriira handdadaad  lagula kacay qaar ka mid ah xubnaha cusub ee xil-dhibaannada la soo xulay.

Magaallada Boosaaso waxaa la sheegayaa in weriye ka tirsanaa Dal-Jir Radio  oo magaciisa laynoogu soo gaabiyay Tall-Man lagu xabadeeyay xilli uu ka adeeganayay suuqa magaallada, si loo cabsi geliyo, sidaas oo kale waxaa magaalada Garowe aad loo soo tuuray ciidamo gaar ah, inta badan ciidammadaan ayaa lagu sheegay inay si gaar ah uga amar qaataan Gaas iyo murashaxa ay xulufada yihiin isla markaasna ah taliyaha ciidammada PSF-ta ee Mareykanku taba baro Asad Cusmaan Cabdullaahi, iyadoo waliba ay wararka qaar ay sheegayaan Asad inuu ka yaryahay da’da qaynuun ahaan uu qofka u tartamay xilka madax-weynenimaada Puntland isku soo rashixi karo, taasoo ah inuusan qofka ka yaraan 40 sano, halka da’da Asad Cusmaan dadka yaqaana ay ku sheegeen 34 jir, dhashay sanadkii 1984kii. Waxaa iyaga sidaasoo kale ay xil-dhibaannada cusub cabasho taas la mid ah ka sheeganayaan waziirrada xukuumadda Gaas oo iyaga ka garab shaqayniya guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Puntland. 

Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaad moodaa inay ka duwantahay kuwii horay u soo mari jiray Puntland, waana Doorasho-Badbaado, oo lagu badbaadinayo maamulka ay dhisteen dadka reer Puntland, waana rajo ay dadku aad uga walaacsanyihiin sidii ay u suuro geli lahayd Badbaadadaas, waxayse mar kasta isku qancinayaan inaan dadku xil-kaskii ka dhammaan, in xil-dhibaannada cusub ay ku shaqayn doonaan dareenka iyo baahida muuqata ee ah in dalka laga badbaadiyo nidaamkii boobka iyo burcadnimmada ku dhisnaa ee ay ku midaysnayd xukuumaddii Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas iyo golaheedii shacabkaba!…..Soomaaliya Nin Door iyo Xil-Kas kama dhammaan, xil-dhibaannada cusubna ma mooga waxa ku dhacay reer Puntland!….

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid