Lafta Gareen oo kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa durba bilaabay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo shacabka ku dhaqan magaalada, odayaasha iyo saraakiisha ciidamada.

Lafta Gareen, ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada booliska Koofur Galbeed isaga oo kala hadlay xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo doorashada ka hor ay rabshado ka dhaceen.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa laga dalbaday inay xaqiijiyeen amaanka magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed uu u balanqaaday inuu ka shaqeyn doono tayeynta ciidamada booliska.

Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed ayaa ku amray ciidamada booliska inay maanta magaalada Baydhabo ku qabtaan sanad guurada ciidamada booliska oo inta badan laga xuso gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Baydhabo, isaga oo u balanqaaday inuu joogteyn doono kulamada uu kala tashanayo horumarinta Koofur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa shalay loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana lagu dhaariyay isla goobtii lagu doortay inkasta oo aan wali la caleemasaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimad@live.com