Doorashada Puntland 2019 – Ma tuurnaa qabiil oo Dr. Cali Ciise Cabdi dooranaa

Madaxda Puntland, gaar ahaan maamulka Cabdiwali Gaas ee hadda xukunka haya waxay caan ku noqdeen wax qabad xumo, musuq-maasuq, qof iyo qabiil jeclaysi, isla xisaabtan la’aan, iyo maamul xumo,.

Intaas oo dhibaato markay is biirsadeen waxay keeneen bur-bur dhaqaale, sicir barar, qiimo jab ku yimid shilling Soomaaliga, ammaan xumo, waxbarasho aan tayo fiican lahayn, colaad ka dhex aloosanta beelaha wada dega , iyo in khayraadkii waddanka si sharci darro ah shisheeye gacanta loogu galiyay.

Waxaase gaar u ah Madaxwayne Cabdiwali Gaas inuu oofin waayay ballamihii uu galay  dhammaadkii 2013-ka markii uu tartamayay. Tusaale ahaan, wuxuu ku fashilmay inuu hirgaliyo nidaamka qof-iyo-cod, inuu xorayn waayay goballada Sool, Sanaag, iyo Cay oo Somaliland xoogga ku qabsatay, iyo ballantii ahayd inuusan dib isu soo sharrixin doonin marka shantiisa sano dhamaato.

Warshadda samaysa lacagta

Cabdiwali Gaas wuxuu Puntland iyo Soomaaliyaba ka galay hal dambi oo aad u wayn, kaas oo curyaamiyay dhaqaalihii Puntland, sababayna in ganacsatadii reer Puntland ay isaga cararto Puntland maadaama aysan la tartami karin ganacsatada isticmaasha dekedaha Berbera iyo Muqdisho.

Since Mr. Gaas is a Somali native and a naturalized U.S. citizen, he is subject to criminal justice laws in both countries. Printing fake money is a serious crime anywhere in the world. Therefore, both the U.S. government and the Somali government are under legal obligation to bring Mr. Gaas to a court of law for printing counterfeit Somali Shilling notes and thus destroying the Somali economy.

Yaa badbaadin kara Puntland 

Alle ka sokow, Puntland waxa badbaadin kara qof:

  • Aqoon iyo khibrad dheeri ah u leh kobcinta iyo maaraynta dhaqaalaha
  • Ah waddani ay ku wayntahay midnimada iyo horumarka Soomaaliya
  • Aan lahayn dan gaar ah, lehna han iyo himilo sare
  • aan rabin inuu lunsado hantida guud
  • leh amaano isla markaana aan rabin inuu qaato laaluush
  • khibrad u leh maamul wanaag
  • iskala sarreeya ku dhaqanka qabyaaladda
  • dadku u siman yihiin, xidid iyo xigaalana aan si sharci darro ah ku naas nuujin
  • leh shakhsiyad iyo dhaqan wanaagsan

Waa kuma Dr. Cali Ciise Cabdi?

Ugu horrayn, Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu leeyahay sifooyinka kor ku xusanb oo dhan iyo kuwa kale oo iyaguna sidoo kara bed-baadin kara dhaqaalaha, iyo dawladnimada Puntland.

Inkasa oo uusan wali ku dhawaaqin, haddana waxaa cad in Dr. Cali Cisse Cabdi uu isu soo sharrixi doono tartanka madaxwaynenimada Puntland.

Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu dugsiga hoose/dhexe/sare ka dhigtay waqooyiga Soomaaliya, ka dibna wuxuu magaca dawladda Soomaaliya ku helay deeq waxbarasho oo ay bixisay dawladda Maraykanka. Wuxuu galay Jaamacadda Washington Universty ee ku taal St. Louise, Missouri halkaas oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha, kana qaatay shahaadooyinka Bachelor/Master/PHD isla jaamacaddaas.

Meelihii uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ahaa Bankigii waynaa ee la oran jiray CitiBank, Bankigii dhexe ee Soomaaliya, Bankiga adduunka, iyo IMF-ta. Wuxuu la taliye xagga dib u dhiska dhaqaalaha u noqday in ka badan 30 waddan oo ay ka mid yihiin Uganda, Tanzania, Ethiopia, Jamaica, iyo Soomaaliya. Haddana wuxuu madax u yahay gudii khubaro ah oo dawladda Soomaaliya ka la taliya arrimaha dhaqaalaha.

Waddamadii uu la shaqeeyay badankoodu waxay ku guulaysteen inay ballaariyaan, sarana u qaadaan dhaqaalahooda.

Dr Cali Ciise Cabdi, ma aha nin doonaya lacag ama jago, si raaxo leh buu addunka meeshuu rabo ugu noolaan karaa noloshiisa inta ka dhimman,  laakiin wuxuu rabaa inuu bad-baadiyo dalkiisa hooyo ee siiyay fursadda deeqda waxbarasho. Wuxuu rabaa inuu dalkiisa uga faa’ideeyo aqoonta sare ee uu u leeyahay cilmiga dhaqaalaha, gaar ahaan dib u dhiska, kobcinta, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Soomaaliya iyada ayaa u baahan Dr. Cali Ciise Cabdi iyo dadka la midka ah.

Maxa caqabad ku noqon kara in Dr. Cali Ciise guulaysto

Inkasta ay u egtahay in dadka reer Puntland ay ka bislaadeen qabiil indho la’aan lagu taageero, haddana qaar ka mid ah dadka wax fallaanqeeya ayaa waxay aammin san yihiin in caqabadda ugu wayn ee soo wajihi karta ay tahay in beelaha qaarkood mideeyaan codkooda si xukunku uusan uga bixin gacantooda. Waxaan anigu u malaynayaa in xildhibaanada wax dooranaya ay garan karaan qofka danta u ah Puntland, codkoodana aysan ku salayn doonin qabiil.

Caqabad kale waxay noqon kartaa eedayn lagu eedeeyo inuu ka mid ahaa asaasayaashii Khaatumo.

Aragtida ah in asaasidda Khaatumo ay dhib ama lid ku tahay Puntland waa aragti meel dhow wax ka eegaysa. Sida bandanna dadka Soomaalidu meel dhow bay wax ka fiiriyaan oo had iyo jeer qabiil iyo dan gaar ah bay ka hormariyaan danta guud iyo mustaqbalka carruurtooda.

Maamul loo sameeyo Khaatumo wuxuu fure iyo horseed u noqon karaa midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Wax kasta oo keenaya inay Soomaaliya midaysnaato oo sharafteedii qaranimo soo ceshatana waa wax loo baahan yahay in juhdi lagu bixiyo.

Dadka reer Khaatumo waa dad ay aad ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya. Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu ka soo jeedaa degaanka Sool, wuxuuna qayb libaax ka qaadan kara nabadaynta iyo horumarinta dhaqaalha Soomaaliya oo dhan, gaar ahaana Puntland.

Gaba-gabo

Gaba-gabadii waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inaysan nagu soo celin Cabdiwali Gaas iyadoo ay jiraan murashixiin kale oo aad uga aqoon wanaagsan, uga waddanisan, uga daacadsan, uga turid badan Soomaaliya, ugana ammaano wanaagsan.

Haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto sii jiritaanka Puntland shaki wayn baa ku jira waayo dhinac dhulkeedii waxaa ku soo fiday oo xoog ku qabsaday Somaliland, dhinaca kalena bur-bur dhaqaale, isku dhac beeleed, iyo musq-maasuq baa ku habsaday Puntland.

Waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inay u hiiliya carruurta Soomaaliyeed ee dhalan doona qarniyada soo socda.

Allaha wayna waxaan waydiisanaynaa inuu waafajiyo xildhibaanada inay soo doortaan qof ka wanaagsan madaxdii hore ee dibu dhaca u keenay Puntland. Qof ka damqanaya dhibaatada iyo dhaqaala xumada haysata dadka reer Puntland. Qof aan dadka ku kala soocin kuna kala soka marsan qabiil iyo qof jeclaysi.

Eebbow guusha sii kan danta dadka iyo dalka ka shaqayn doona.

W/Q: Axmed Bashir; Email: bashir1631@gmail.com ; Twitter: @bashir1631

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid