Doorashada Puntland: Afar arrin oo loo baahan yahay

Doorashadda Puntland ee fooda nagu soo haysah oo u mudaysan January 8th 2019, Shacabku waxay baahi wayn u qabaan isbadel dhab oo ku sulaysan baahiyahooda dhabta ah, dhawr arimood in xooga lasaaro ayaana lagu gaari karaa si looga mira dhaliyo himiladaas sidoo kalena waxay hanaan cusub u horseedi kartaa maamulada kale ee kajira wadanka:

  1. Is Badal Muhiim ah : ( waji inuusan is badelin ee nidaamku is bedelo) micna wayn ma samaynayso in shakhsiyaad ama wajiyo ay is badalaan mar hadii nidaamka aan labadalin. Bini’aadamku ama Allah ka cabsi iyo damiir ayaa celiya ama Nidaam iyo sharci ayaa celiyah, qofkii kusoo baxa ee ugu yaraan is lahaa wax qabo asee aysan dhab ka ahayn markuu arko Isim, siyaasi, haween, dhalinyaro iyo qofkastoo uu la kulmo oo kala hadlaya dan Shakhsiyeed wuxay ubadantahay inuu ka tago tan guud oo raacdo tiisa gaar ahaaneed. Waa ku ceeb Puntland oo 20 sano jirsatay oo weli ku dhaqmaysa nidaamkii Jabhada 1998 ( barti yaqaan bari uma korodho) waxaa loo baahanyahay intaan lagaarin riyada ah (one man one vote) inay layimaadaan reer Puntland qorshe 2aad oo ay kaga guuraan jabhadnimadda.
  2. Cadaalad iyo matalaad dhab ah: horumarka iyo geedi socod dhanka togan ahi waxaa asal u ah cadaalad iyo sinaan, maahmaah horaa ahayd:( Rag cadaalad waayay sida cawsha kala yaac), kaqayb gelinta bulshada qaybaheeda kala duwan ee qaarkood go’aamadda masiiriga u ah iyo tusida jiritaanka lahaansho dhab ah iyadoonan laga taagayn isku soo dhawaynta iyo heshiisiinta dadka walaalaha ah ee wax kala tirsanaya waa hagid dhanka wanaaga ah.
  3. Maamul daadejin: nidaamka Guud ahaan Soomaaliya ka hirgalay ee federaalismka ah micnihiisu in bulsho kasta ay u madax banaanaato go’aan ka gaarida arimaheeda gudaha wuxuuna ku dhisan yahay daadejinta nimaadka iyo is maamulkooda inkastoo hadda qalfoof ahaan uu ujiro hadana maahan (fully functional).
  4. Ka faaidaysiga qabiilka ee dhanka togan: qabiilku waa waxa ay Soomaaliyana ku dhisan tahay waana caqabad taagan, waxtar iyo waxyeelobana yeelan kara hadba dhinicii loo adeegsado, si loogu adeegsado dhanka wanaaga iyadoo loo isticmaalayo aalad ahaan ( tool), sida wada shaqaynta dawladda iyo shacabka, kicinta dhanka wanaagsan ee bulshadda iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah waxay noqon lartaa tilaabo dhanka wanaagsan loo qaaday.

Isku soo wada duuboo ka guul gaarida ujeedooyinkii puntland loo aasaasay iyo taabagelinta nidaam wanaagsani wuxuu halbeeg u noqon karaa dhamaan nidaamka federaaliisamka sidoo kalena wuxuu tubta toosan ku hagaajin karaa Soomaaliya barwaaqo ah.

Wabilaahi towfiiq

Waxaa qoray: Abdullahi Mohamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid