Xog: Fashil ku yimid doorashadii guddoomiyaha cusub ee A/Union

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika ee uu Kulankooda 27-aad uga socdo caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali ayaa ku guul-daraystay inay doortaan Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika “African Union”.

Sarkaal ka tirsan AU oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in ay Hoggaamiyayaasha isku af-garan waayeen Shaqsiga cusub ee xilka kala wareegi doona Guddoomiyaha xilligan ee Golaha AU, Nkosazana Diamini Zuma oo uu ka dhamaaday xilligii ay haysay Xilkaasi.

“Qiiq madow ayaa waxa uu ka imaanayaa Shirka 27-aad ee Madaxda Afrika, mana jiro qof ku guuleystay Xilkaasi. Guddiga doorashadda waxay doorashadda Guddoomiyaha cusub dib u dhigeen tan iyo Shirkooda soo socda” sidaa waxaa yiri Afhayeenka Guddoomiyaha Xilligan ee Ururka AU, Dlamini Xuma.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Jacob Enoh Eben ayaa hadalkaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.
3 Musharax oo u kala dhalatay dalalka Uganda, Botoswana iyo Ekwatooriyaal Gini ayaa u taagan Xilkaasi, inkastoo uusan midkooda ma helin tirada Cod-bixiyayaasha loo baahnaa Aqlabiyadda ee ahaa Saddex Duleel oo labo.

54 Hoggaamiye ee ka kala socda Dowladaha Afrika ee codka dhiibanayey, waxaa Wareegii ugu dambeeyey aan coddkooda dhiibanin 28 Hoggaamiye oo ka mid ah 54-ka Madaxweyne ee sida qarsoodiga codadkooda u dhiibtay.

Waxay taasi keentay in la joojiyo Cod-bixinta Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika, waxayna Madaxdu isku raaceen in xilliga loo kordhiyo Guddoomiyaha Xilligan ee Ururkaasi, Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay dalka Koonfurta Afrika.

ISHA AFP & R.D

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com