Dowlada Jabuuti oo la wareegtay hogaanka ciidamada AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa si rasmi ah ula wareegay hogaanka guud ee ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, kadib markii taliyihii hore xilka laga qaaday.

Xilkaasi ayaa waxaa baneeyay taliye ciidan oo u dhashay dalka Kenya oo ciidamo badan ay ka joogaan dalka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabo Janathon Rono.

Generaal Cismaan Nuur Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana uu maanta si rasmi ah ula wareegay xilka taliska guud ee ciidamada AMISOM.

Wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay Generaal Subagle ayaa sheegay in waqti loo baahnaa uu taliyahaasi yimid magaalada Muqdisho, maadaama waqti xasaasi ah lagu jiro lana galayo doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Taliyihii hore ayaa qorsha wuxuu ahaa inuu badalo sarkaal u dhashay dalka Ethiopia, balse ethiopia ayaa soo magacaabi weysay taliye cusub, kadib markii loo diiday in ciidamo Ethiopian ah yimaadaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com