Sawirro murugo leh: AMISOM oo hal guri ku xasuuqday 14 Culimo qur’aan aqrineysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta qabuuro ku yaalla duleedka Magaalada Baydhabo lagu aasay meydad farabadan oo la sheegay inay dileen ciidamada AMISOM.

Meydadkaani maanta la aasay ayaa waxaa tirro ahaan lagu sheegay 14 kuwaasi oo ay ciidamada AMISOM ku xasuuqeen deegaanka Wardiinle oo ku dhow deegaanka Awdiinle.

Dadkaani oo ahaa shacab ayaa waxaa la xasuuqay iyaga oo Qur’aan saaraayay wadaad ku xanuunsanaa deegaankaasi aan kor kusoo xusnay, mana jirin hal qof oo ka badbaaday xasuuqa ay geysteen ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka waxa ay sheegen in dhammaan dadka la laayay ay ahaayen dad culimaa’udiin ah oo aan wax lug ah ku laheyn dhinacyada dalka ku dagaalamaaya.

HOOS KA DAAWO MEYDADKA CULIMADDA

XASUUQ1

XASUUQ2

XASUUQ3

XASUUQ4

XASUUQ5

XASUUQ6

XASUUQ7

XASUUQ8