Weerar lagu qaaday gacan yaraha Xildhibaan Aadan Barre Ducaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalladda Nairobi, ayaa sheegaya in Caawa weerar gaadma ah lagu qaaday mid kamid ah gacanyarayaasha Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah Mudane aqlabiyad ku dhex leh Barlamaanka Kenya.

Gacan yarahaani oo lagu magacaabo Cabdi Maalim ayaa waxaa lagu weeraray Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in lagu furay rasaas kadibna laga qaaday Bastoolad uu ku hubeysnaa.

Weerarka ayaa la sheegay inay geysteen dabley ku hubeysneyd Bastoolada kuwaasi oo meel fog kasoo raacay Cabdi Maalim kadibna ku furay dhowr xabadood.

Cabdi Maalim, ayaa waxaa lugta kaga dhacday ilaa laba xabadood iyadoo goortii uu miir daboolmay laga qaatay Bastooladii uu ku hubeysnaa.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in dableydii weerarka ku qaaday ninkaasi ay ku baxsadeen halka loo yaqaan Kiwanja oo aan sidaa kaga fogeyn Garoonka Diyaaradaha Milliteriga ee Moi Air Base ee Xaafadda Eastleigh.

Geesta kale, dhaawaca Cabdi Maalim ayaa waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ay xiganeysay warbaahinta magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com