IGAD oo gaartay Beledweyne iyo shirka oo fashil ku dhamaaday

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Ururka IGAD oo uu Hogaaminayo Wakiilka IGAD ee arrimaha Somalia Maxamed Cabdi Afey ayaa gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa goortii uu gaaray magaalada Baledweyne kulan degdeg ah la qaatay Odayaasha Hiiraan iyo tirro Siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda Gobolkaasi.

Shirka labada dhinac ayaa ahaa mid uu albaabada u xirnaa waxaana si toos ah looga wada hadlay muranka ka taagan ka qeybgalka shirka qabyada ah ee kasocda magaalada Jowhar.

Wafdiga IGAD ayaa odayaasha u sheegay in kulanka uu yahay kii 3-aad oo aan laheyn wax natiijo ah, waxa ayna ka dal badeen in shirka maanta socda uu noqdo mid natiijo laga gaaro.

Inkastoo ilaa iyo hada aan faah faahin rasmi ah laga helin gunta wada hadalada wafdiga iyo odayaasha, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar hordhac ah oo sheegaya in odayaasha ay ku gacanseeren baaqa IGAD, iyaga oo sheegay in Mowqifka odayaasha uu yahay mid cad islamarkaana aysan ka qeybgali doonin shirka ka socda magaalada Jowhar.

Odayaasha waxa ay sidoo kale IGAD u sheegen inaanu waxba ka quseyn waan-waanta ay wado DFS iyo IGAD, balse ay u muuqato xal u helida rabitaankooda.

Kulanka 3-aad oo ah kan maanta ay wada qaaten labada dhinac ayaa kusoo dhamaaday fashil, kadib markii Odayaasha ay sheegen inaanu waxba ka quseyn dhax dhexaadinta IGAD.

Geesta kale, kulanka maanta fashilmay ayaa waxa uu barbar socdaa kulankii hore oo isna gunaanadkiisu ahaa mid fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com