Doorasho maanta ka dhaci doonta GAALKACYO!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku heleyno maanta waxaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug taasi oo lagu soo dooranayo ku xigeenka gudoomiyaha degmada.

Doorashada ayaa ka dambeeyay kadib markii gudoomiye ku xigeenkii magaalada Gaalkacyo uu xilkaasi iska casilay, islamarkana golaha deegaanka magaalada gaalkacyo ay aqbaleen.

Yacquub Maxamed Cabdalle, oo ahaa gudoomiye ku xigeenka magaalada Gaalkacyo ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka uu hayay, isaga oo aan faahfaahin ka bixin sababta ka dambeysay.

Duqa magaalada Gaalkacyo C/casiis Jaamac Nugaal, oo dhankiisa warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa shalay ka dhawaajiyay in doorashada xilkaasi la geli doono, maadaama booskaasi uu baneeyay Yacquub Maxamed.

Waxaa xilkaasi durba isku soo sharay dad badan oo doonaya iney qabtaan, waxaana maanta la filayaa in magaalada Gaalkacyo ay ka dhacdo doorashada gudoomiye kuxigeena magaalada Gaalkacyo.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com