Xildhibaan ka tirsan baarlamanka J/L oo dhintay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in isbitaal ku yaala magaalada ay ku geeriyootay xildhibaan ka tirsaneyd baarlamaanka Jubba.

Xildhibaanka ayaa lagu magacaabi jiray Faadum Gureey Cali oo ku magac dheer Faadumo Kareeto, sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka Jubba.

Faadumo Kareeto oo kamid ah aheyd xildhibaanadii dhawaan lagu dhaariyay magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkii dambe ku jirtay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Si dhab ah looma hayo xanuunka hayay xildhibaanada oo lagu daweynayay mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho, laakiin ay ku geeriyootay saaka aroortii.

Waxay dhashay oo ay ifka ka tagtay hal gabar oo kaliya sida eheladeeda ay sheegeen.

Xubnaha baarlamaanka maamulka Jubba ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanad ku timid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com