Dowlad dadkeedii ilowday: 39 maalmood kadib, dadkii Yemen lagu dilay weli lama aasi, (DF oo indhaha ka xiratay)

Muqdisho (Caasimada Online) – 39 maalmood ayaa laga joogaa markii si gardarro ah lagu dilay 42 qof oo Soomaaliya ah oo doon saarnaa xili ay u socdeen dalka Suudaan.

Mudada intaa la eg, weli meydadkii lama aasin, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Yare oo ka tirsan hey’adaha diiwaangeliya qaxootiga Soomaaliyeed.

Cali oo hadda ku sugan Sanca, waxaa uu sheegay in warqadihii loo baahnaa sidii dadkaasi lagu aasi lahaa ay hadda soo dhamestirmeen isaga oo intaa raaciyay in illaa Jimcaha ama Sabtida laga yaabo in la aaso dadkaasi.

Mar aan weydiiney sababta dowladda Soomaaliya ula hadli la’dahay Xuutiyiinta waxaa uu ku jawaabey:

“Waxaa ay yiraahdeen inagu ma ictiraafsanin Xuutiyiinta, oo lama hadli karno, oo inagu dowladda rasmiga uunbaan xiriir la leenahay”

Waxaa sidoo kale weydiinay xaaladda dadkii waxyeellada soo gaartay?

“Dadkii dhaawaca ahaa ee Isbitaallada yaaley waxaa ay ahaayeen 14 qof, dad kale labo meelbaa lagu hayaa, ragga waxaa lagu hayaa xabsiga dhexe, hablahana meel Kaam ah oo ay leedahay IOM”

Xaaladda dadka dhaawaca ah waxaa uu yiri “Dadka dhaawaca ah intii badneyd waa bogsoodeen, waxaa ugu culus oo iminka isbitaallada ku haray waa 4 xaaladood”.

Cali Yare, oo la hadlay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegay in dadka ay gacanta ku hayaan hey’adaha UNHCR, ICRC, IOM

Dhinaca kale waalidiinka dadkii ku dhintay duqeynta waxaa ay dalbanayaan in caruurtooda la aaso, iyaga oo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya aaney la hadlin.

26-kii bishii March ayey diyaarad Helicopter ah duqeyn ku dishay 42 qof oo Soomaali ah oo saarnaa dooni ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com