Aqriso Ahlu -Sunna oo qodobadii ugu yaabka badnaa miiska soo saartay iyo Galmudug oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan idinkula wadaagnay warbixinadii hore, waxaa meel bur bur ah marayo wadahadlkii u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ee ka socdo Magaalada Muqdisho, kadib markii Ahlu Sunna ay miiska soo saartay qodobo aad uga xanaajiyey Galmudug.

Dowladda oo wadahadalkaan guddi u saartay ayaa ku guuleysatay inay is hor fadhiisiso Ahlu Sunna iyo Galmudug, balse weli waxaa lagu guuleysan la’yahay in xal rasmi ah laga gaaro.

Wararka hadda ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inay Ahlu Sunna ilaa shan qodob oo adag hor dhigtay in loo fuliyo si ay qeyb uga noqoto Maamul Goboleedyada Galmudug.

Shuruudaha ay la timid Alhsu suna ayaa keenay inuu furmi waayo shirkii labada dhinaca oo ay dhexdhexaadineysay dowladda Federaalka oo hadda qarka u saaran in lagu kala tago.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso shuruudaha xasaasiga ah oo ay Ahlu Sunna dalbatay in loo fuliyo si ay qeyb uga noqoto Galmudug?

1- In la dhiso Baarlamaan cusub oo ka kooban 90 xubnood.

2- Inaysan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug.

3- In Baarlamaanka Cadaado la baabi’iyo

4- In Maamula Goboleedka Gobollada Dhexe ay ku soo biirto kooxda maamulka Cadaado.

5 In xubnaha Baarlamaanka 60 ka mida ay ka yimaadaan Ahlu suna.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka quusan in loo helo wadahadalkaas lagana miro dhaliyo, balse waxaa qodobadaas ka xanaaqay madaxdii ka socotay Galmudug oo sheegay inaysan Ahlu Sunna diyaar u aheyn in xal la gaaro.

Haddii aysan Ahlu Sunna ka tanaasulin qodobada  qaar oo u muuqdo kuwa adag, waxaa muuqato inuu fashil kusoo dhammaan doono wadahadalka Muqdisho uga socod, maadaama aysan Galmudug aqbali karin inay fuliso shantaan qodob.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kororto dib ayaan idinkala socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com