Maxaa laga filan karaa kulanka Garoowe uga socda maamulka iyo Ururka Al-Saadicuun Bil-Xaq?

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Garoowe ka furmay kulan u dhexeeya maamulka Puntland iyo mas’uuliyiinta Urur diimeedka Al-Saadicuun Bil-Xaq ee ka howlgala deegaanada Puntland.

Kulanka ayaa ah mid uu albaabada u xiran yahay, iyadoo ay saxaafadu tahay mid banaan joog ka ah kulanka khaaska ah ee hadda ka socda Garoowe.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland iyo Madaxda Ururka Al-Saadicuun Bil- Xaq ee deegaanada maamulkaasi.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo xubnahan go’aansaday in ay ka mid yihiin ururka Al-saadicuuna bil-xaq in ay ka laabtaan fikirkaasi, saxaafadana ay u sheegaan in ay ka laabtaan, iyadoo haddii aysan dhicin ka laabasho laga eryin doono dhammaan deegaanada maamulka.

Kulanka waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo dhexmara maamulka iyo xubnaha urur diimeedkan dhawaan dalka laga mamnuucay.

Si dhab ah looma oga natiijada kasoo bixi doonta kulanka laba geesoodka ah, waxaana suuragal ah in amar lagu soo rogo xubnaha Ururka ka jooga deegaanada Puntlane.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com