Sheekh Shariif oo ka dhawaajiyey halka loo raadinayo xalka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo mar soo noqday Madaxweynaha Soomaaliya xilligii uu dalka ku jiro kumeel gaarnimada ayaa ka hadlay halka loo raadinayo xalka Soomaaliya, wuxuuna hadalkaas ka dhawaajiyey xilli uu la hadlay wargeyska Alsunsana ee kasoo baxo dalka Sudan.

Sheekh Shariif ayaa ammaan kala dul dhacay tijaabadii wadahadalada dib u heshiisiinta qaran ee dalka Sudan, wuxuuna door biday in Soomaaliya ay arrintaas kaga dayato wadanka Suudaan.

Sheekha ayaa wuxuu sheegay sidaan oo kale ay qorsheynayaan in Soomaalidu ay sameyso wadahadalo dib u hishiiseeneed oo ay garwadeen ka yihiin Soomaali  kaliya oo aysan jrrin cid kale oo ku lug yeelaneysa , midaasna ay tahay xalka kale ee Soomaaliya dhibaatada looga saari karo.

Wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay inay Soomaaliya tijaabo fiican u qaadato waxa ka dhacay dalka Suudan, wuxuuna aaminsan yahay in qaab kale loo heli karin xalka Soomaaliya.

“ Somaliya iyo Sudan waa is shabahaan,Somaliya waxa ay haatan wajahayaan marxalad cusub oo nabadeed mustabqal ifiya ayaa Somaliya u muuqanaya ,diyaar ayayna u tahay dowlada Somaliya in ay sameyso tijaabadaas si dalka nabad iyo ammaan loogu soo dabaalo” ayuu u sheegay wargeyska Alsunsana.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com