Maxaa kala soctaa 6-da wasiir ee sida Joogtada ah loola xisaabtami doono?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo kulan muhiim ah la qaatay Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa sheegay in gudaha bishaani uu si toosa u bilaaban doono isla xisaabtanka.

Kheyre ayaa sheegay in isla xisaabtanka uu noqon doono mid guud balse uu u badnaan doono Lix Wasaaradood oo uu sheegay inuu ula xisaabtami doono si joogta ah.

Kheyre waxa uu tilmaamay in isla xisaabtanka guud kadib uu si gaara ula xisaabtami doono Wasaaradaha ugu mashquulka badan ee gacanta ku haya howlaha ugu badan kuwaa oo kala ah:

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Cabdi Faarax Siciid ”Juxa”

2-Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”

3-Wasiirka Gaashandhigga, C/rashiid C/llahi Maxamed

4-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Yuusuf Garaad Cumar

5-Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle

6-Wasiirka Cadaaladda, Avv Xasan Xusein Xaaji

Wasiirada Wasaaradahaani ayuu sheegay in looga baahan yahay inay la imaadan shaqooyin hufan, waxa uuna sababta ku sheegay inay yihiin kuwa ugu mashquulka badan marka la eego baahida Qaranka iyo Shacabka.

Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada haya Wasaaradahaani uu kula sixaabtami doono waxa ay qabteen iyo waxyaabaha ay ka gaabiyeen waxa uuna si cad u sheegay inaanu wada shaqeyn doonin Wasiirkii ku kaca fal sumcad dilaaya Qaranka.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Ra’isul wasaare Kheyre uu heer gabogabo marinaayo howlihiisa ku aadan magacaabida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com