Wadahadalkii Ahlu Sunna iyo Galmudug oo fashilmay iyo Wafiga Galmudug oo Cadaado u laabanaya

Muqdisho (Caasimadda Online) Qorshaha wada hadalka Maamulada Galmudug ayaa ahaa inuu bilowdo 12kii bishaan si loo soo gaba gabeeyo ugu dambeyn 24ka bisha April oo shalayku beegneyd , maadaama doorashada madaxweynaha Galmudug ay dheceyso 30-ka bishan sida ay ku heshiiyeen dowlada dhexe iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Qorshahaas ma suura galin maanta waa 25-ka April waxaana lagu wadaa in 30-ka April ay dhacdo doorashada madaxweynaha Galmudug waxaana ka harsan muddo 5 maalin oo kaliya ah , waxana waqtiga kama dambeysta ee wada hadalka labada Maamul uu ahaa shalay oo aheyd 24ka April .

Todobaadkii hore Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay liiska guddi garwadeen ka noqda shirka madaxda labada Maamul ee Ahlu Sunna iy Galmudug , kuwaas oo isugu jir Wasiirro iyo Xildhibaano .

Galmudug ayaa ku adkeysaneysa in doorashada aan dib mar kale loo sii dhigi krin waqtigii wada hadalka ee lagu balamayna uu dhamaday , waxaana warar aan heleyno ay sheegayaan inau qorsheynayan wafdiga Galmudg ka socda ee Muqdisho ku sugan inay dib cadaado ugu laabtaan si diyaar garwga doorashada ay u bilaabaan .

Si rasmi ah looma shaacin caqaadda sababtay in ilaa waqtigaan aanay kulan toos ah  iyo wada hadalka madaxda labada maamul aanu dhicin hayeeshee warar ayaa sheegaya in shuruudo ay wadatay Ahlu Sunna ay u cuntami weysay Galmudug iyo dowlada Soomaaliya .

Wasiirka amniga galmudug cismaan ciise nuur  “Taardhuleed”  Ayaa sheegay in ururka ahlusuna uu ka socon waayay wada hadlkii dhexmari lahaa dawlad gobaleedka galmudug iyo ahlusuna, isla markaana wafdiga Galmudug ay dib Cadaado ugu laabanayaan si ay doorashada ugu diyaar garoobaan .

Xubno ka tirsan Galmudug ayaa sheegaya in wada hadalka uu ka socon waayay Ahlu Sunna oo la timid Shuruudo badan oo ay ka mid yihiin inay tartan la’aan helaan ilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug, in la siiyo wasiirro muhiim ah in ay xubno ku yeeshaan dowlada dhexe ee dalka iyo shurudo kale oo badan .

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhanka Ahlu Sunna oo ku aadan arinta wada hadalka labada Maamul , hayeeshee waxaa tani ay noqoneyaa mid aaney ku faxin shacabka Soomaaliyed guud ahaan gaar ahaan bulshada aan dagaalka iyo colaadda u baahneyn ee deegaanadda Mudug iyo Galgaduud oo xilligaan abaarta dalka ka jirta ay saameyn ku reebtay .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com