Sawirro: Askarigii maanta lagu toogtay Baydhabo oo la dilay isagoo qoslaaya

Baydhabo (Caasimada Online)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay Magaalada baydhabo ku toogatay askari ka tirsanaa Ciidamada booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed Soomaliya.

Askarigaani ayaa horey u dilay wiil iyo aabihiisa oo wada socday, waxaana maanta lagu fuliyay dil toogasho ah.

Xukunka dilka ah ay fulisay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saaka ka dhacay fagarae kuyaala magaalada Badhabo, waxaana goobta dilka ka dhacayay goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiil kale.

Sidoo kale, Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Dhame Muumin Xuseen C/laahi ayaa sheegay in dambiilaha uu galay falkii lagu soo eedeeyay Maxkamadana la hor keenay cadeymo iyo marqaatiyo.