“Dowlad goboleedyada haddii heshiis ciidan ay saxiixan qodobka 54 ee dastuurka ayay jibinayaan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga xukuumadii Cumar C/rashiid C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay heshiisyada maamul goboleedyada ay la galaan dowladaha kale ee caalamka.

Wasiirkii Amniga ee xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay gali karaan heshiisyada qaar, balse aysan gali karin heshiisyo looga baahan yahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay saxiixdo.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in maamul goboleedyada aysan saxiixi karina ama aysan gali karin heshiis ku saleysan dhanka ciidamada iyo saldhigyada meletari, maadaama heshiisyadaasi ay gali karto dowladda dhexe oo kaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii maamul goboleedyada ay saxiixaan heshiisyadaasi oo kale inay jibinayaan qodob kamid ah qodobada dastuurka dalka gaar ahaan qodobka 54 ee dastuurka dalka u yaala, kaasi oo cadeynaya cidda saxiixi karta heshiisyada dhanka ciidanka.

“Maamul goboleedyadu awood umalaha inay galaan heshiisyo ciidan, Dhamaan Heshiisyada kalena waa in laga talo geliyaa Dowladda Federaalka fiiri qodobka 54-aad ee Dastuurka”ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga.

Maamul goboleedyada ayaa heshiisyada ay dantooda ka dhex arkaan u saxiixa dowladdaha kala duwan ee caalamka haba ugu badnaadeen dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo wadamada carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com