Farmaajo oo aan wali ka dhabeyn hal arrin uu shacabka u ballan qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa saacad kadib markii la doortay shaaca ka qaaday in kulan guud uu la qaadan doono shacabka magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo noqonaaya Madaxweynaha ugu shacbiyada badan ayaa waxaa lagu dhaliilayaa inaanu wali fulin ballanqaadkii ka danbeeyay doorashadiisa.

Nabadoon Cusmaan Warsami oo kamid ah Odayaasha ugu caansan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu ilaaway balanqaadkii ahaa in meel fagaaro ah uu kula kulmi doono shacabka Muqdisho.

Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu xiligaa ballanqaaday la kulanka shacabka, hayeeshee uusan waxba ka fulin ballanqaadka shacabka.

”Madaxweyne Farmaajo wuu ilaaway balanqaadkii uu sameeyay balse shacabka ma ilaawin waxaa looga fadhiyaa fulinta balanqaadka maadaama uu yahay midka ugu shacbiyada badan”

Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku mashquulay keliya Martida iyo Madaxda kale balse uu ilaaway shacabka.

Waxa uu ku baaqay in Madaxweynaha uusan dayicin shacbiyada isla markaana shacabka u sameeyo wakhtiyo gaara uu kula hadlaayo goobaha fagaaraha ah.

Haddalka Nabadoonka ayaa kusoo beegmaaya xili Farmaajo 8 Feb, 2017 xili habeen ah uu ballanqaaday in si gaara uu shacabka ula hadli doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com