Xog: Waqtiga lagu soo dhisi doona ciidamada xoogga Somalia oo la go’aamiyey?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Sida aan horey idinkula wadaagnay Caasimadda Online ayaa si hoose u heshay Document ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo ka turjumayey sida ay noqon doonaa Ciidamada Xooga oo ay ku heshiiyeen dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Waxaan markaan idinla wadaagi doonaa waqtiga ay ku heshiyeen dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada in lagu soo dhiso Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo looga fadhiyo inay wax ka qabtaan Xaaladda cakiran oo ay ku jirto Soomaaliya.

Sida aan idinla wadaagnay dhawaan, tirada Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed ayaa lagu heshiiyey in laga dhigo ilaa 18000 (Toban iyo sideed kun), inkastoo ay yar tahay tiro ahaan haddana marka loo eego xaaladda Soomaaliya iyo dhaqaale xumada jirto waa la iska qaadan karaa, waxayna isugu jiro doonaa Danab, Ciidamada Cirka iyo kuwa Badda.

Waxaa lagu heshiiyey in Ciidamadaas lagu soo dhameystiro ilaa muddo 6 Bil ah oo ka bilaabaneyso 1 June 2017, waana waqti dhaw, maadaama uu dalka si deg deg ah ugu baahan yahay ciidamadaas.

Document-ga ay heshay Caasimadda ma ahan mid lala wadaagay Saxaafadda, inkastoo si guud loo sheegay inay dowladda iyo Maamul Goboleedyada kawada hadleyn arrimo ku aadan amniga iyo dhisidda Guddiga amniga Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com