Xog: Qorshe la doonayo in lagu xiro Axmed Madoobe oo ka socda London

London (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Britain ay wadaan qorshe culus oo la doonayo in lagu xiro madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe.

Ilo wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegaya in qorshahan uu yahay mid balaaran oo lagu doonayo in dacwad lagu soo ogoo, kadibna maxkamad la soo taago Axmed Madoobe, inkasta oo aan la ogeyn sida uu ku hir-geli karo.

Waxaa qorshahan qeyb ka ah qoyskii ay ka dhasheen 8 Wiil oo ciidanka Axmed Madoobe ay Kismaayo ku dileen 2015-kii, wiilashaas oo lagu dilay laba saac gudahood.

Ehelka wiilashaa la dilay waxaa ay kamid yihiin dadka dacwadda ku jiro oo doonaya in ay maxkamad la tagaan Axmed Madoobe, marka uu soo cago dhigo magaalada London.

Waxa ay kireysteen garyaqaano lacag badan lagu bixiyey oo ka shaqeynaya kiiska dacwadda, waxaana la sheegay inay ururiyeen caddeymo si toos ah dilalka sideedda wiil ula xiriirinaya Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ka mid ah madaxda Soomaalida ee la filayo inay bisha May ka qeyb galaan shirka London ee arrimaha Soomaaliya, oo dowladda Britain ay soo qaban qaabisay.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com