Xog: DF iyo maamullada oo isku raacay tirada ay noqon doonaan booliska Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay Document Muujinayo heshiis dhex maray dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo muujinayo tirada ciidamada Booliska ee loo dhisi doono Soomaaliya.

Document-ga ay heshay Caasimadda ayaa ku qornaa Luuqadda Ingiriiska, waxaana ku qornaa heshiis ka turjumayo qaabka ay noqon doona dhammaan noocyada kala duwan ee ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, waxaana kamid ah ahaa waxyaabo lagu heshiiyey tirada ay noqon doonaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sida ku cad heshiiskaas, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa noqon doono ilaa 32,000 oo askari oo loo kala qeybin doono dhammaan maamul Goboleedyada dalka.

Sida kaaga muuqato sawirka aan kasoo qaadnay heshiiskaas, weli go’aan cad lagama qaadan sida ay u qeybsan doonaan Maamul Goboleedyada iyo inta ay noqon doonaa Ciidamada Darwish ee kamid ah Booliska.

marka la fiiriyo tirada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay ku heshiiyeen Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, waxaa muuqato inay tahay tiro ku haboon Soomaaliya isla markaasna wax badan ka qaban kara amaanka Gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo qaabka loogu qeybinayo Ciidamada Booliska dhammaan Maamul Goboleedyada dalka, waxaana heshiiska ku cad in Mushaarkooda ay bixin doonto Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.,

Sidoo kale, waxay tababar ku qaadan doonaan Gudaha Soomaaliya, iyadoo ciidamadii hore ee booliska lagu soo dari doono kuwa cusub oo tababar la siin doono.

Dowladda cusub ayaa bilowday fulinta ballanqaadkeedii ahaa inay xoogga saari doonto dhisidda noocyada kala duwan ee Soomaaliyeed, taasoo muujineyso inuu wadanka geli doono xaalad cusub oo fiican.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com