Caasimada Online oo heshay liiska dadka laga soo tarxiilay USA iyo eedeeyn loo jeediyey Taabit

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa si gaar ah u heshay liiska magacyada dhallinyarada Soomaalida ee dib looga soo celiyey Mareykanka lana keenay magaalada Muqidsho ee caasimada Soomalaiya.

In ka badan 200 dhallinyaro ah oo badankood tahriib dheer ku tegay dalka Mareykanka ayaa illaa iyo hadda waxaa laga soo dejiyay garoonka diyaarada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhallinyaradan ayaa qeyb ka ah afar kun oo qof oo Soomaali ah oo la filayo in dhowaan dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya MareykankaAxmed Ciise Cawad.

Dhallinyaradan ayaa shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen ku sheegay in amarka lagu soo tarxiilay ay bixiyeen safiir Axmed Ciise Cawad iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi oo horey u ahaa qunsulka Soomaaliya ee Mareykanka.

Waxa ay sheegeen in dhibaato badan ay ka mareen sidii ay ku tagi lahaayeen dalka Mareykanka, qarash bandanna uu uga baxay, balse ay safaaradda Soomaaliya ogolaatay in si sahal ah dib loogu soo celiyo.

Markii ay Muqdisho kusoo laabteen ayaa qaarkood ay la kulmeen dhibaatooyin, waxaana dhacday in lab aka mid ah ay qaraxyo ku dhinteen.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inay jirto lacag min lix kun oo dollar ah oo loogu talo-galay in la siiyo dadka Muqdisho kusoo laabanaya, oo dowladda Mareykanka ay bixisay, balse aan la siin.

Halkan ka arag liiska dhallinyarada lasoo celiyo. Sidoo kale daawo muuqaalka shir jaraa’id oo ay qabteen.


 

https://www.youtube.com/watch?v=V4JLDmxEJ9A