Qarax lala eegtay Gaadiid ay la socdeen xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi Qarax lagula eegtay Gaadiid ay la socdeen Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Gaadiidka la qarxiyay ayaa waxaa la socday wafdi ka socday dowlada Imaaraadka Carabta iyo Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna Qaraxa haleelay mid kamida ah Gaadiidka.

Guddiga oo ka baxay Magaalada Muqdisho, ayaa kusii jeeday Degaanka Garasbaaley oo ku yaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in Qaraxaasi aysan waxyeelo kasoo gaarin Marka laga soo tago Burburka gaariga soo gaaray.

Sheekh Nuur Baaruud waxaa uu sheegay in gaarigooda uu bur bur soo gaaray, isla markaana ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Ujeedka wafdiga ka socday Imaaraadka Carabta iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa ahaa booqashada xero ku taal deegaanka Garasbaaley oo ay degan yihiin boqolaal qoysas ka soo barakacay deegaanada abaaraha ku dhufatay.

Qaraxaani ayaa kusoo beegmaaya xili gudaha Asbuucaani duleedka magaalada Muqdisho Qarax lagula eegtay Gaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsanaa Hey’addaha UN-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com