Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa digniin kasoo saaraya arimo ku saabsan doorashada la filayo in dhamaadka bishaan ay ka dhacdo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Xubnaha qaarkood oo saxaafada la hadlay ayaa ka digaya in dib u dhac uu ku yimaado waqtigii lagu balamay doorashada madaxweynaha Galmudug, taasi oo caqabad ku noqon karta midnada ay raadineyso dowlada Soomaaliya.
Xildhibaan C/qaadir Xasan oo kamid ah baarlamaanka Galmudug ayaa dowladda Soomaaliya uga digay inta ay ku mashquulsan tahay midnimada Galmudug inay ka abuurmaan caqabado kale dibna ay u dhacdo doorashada madaxweynaha.
Xildhibaanada Galmudug ayuu sheegay inay diyaar u yihiin sidii dowladda Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen qabsoomida doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo.
Wuxuu dhinaca kale cadeeyay in haddii dib ay markale u dhacdaa doorashada madaxweynaha Galmudug inay ka dhalan karto caqabad kale oo ah inay dadkale ka caroodaan dib u dhaca doorashada oo doorasho ay iska sameeyaan.
Madaxda Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu heshiiyay in 30 bishaan April Magaalada Cadaado lagu qabto Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug, waxaana hada Magaalada Muqdisho ka soconayo kulamo ay dowladda garwadeen ka tahay oo ay ku wada hadlayaan Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

